Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Lagu Dilay Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaaladaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa mid ka mid ah hay’adaha ka hawlgala magaaladaasi.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mahdi Xuseen Shiikhaal taasoo madax ka ahaa faraca hay’adda United Nation Mine Action Service ee magaceeda loo soo gaabiyo (UNMAS) ee magaalada Beledweyne.

Waxaan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dilka sarkaalkaasi, mana jirto weli mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadashay dilkaasi.

XS
SM
MD
LG