Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pope Francis oo Hadal u Jeedinaya QM


Pope Francis oo ay caruur salaameyso xilli uu ka soo degtey garroonka John F. Kennedy International Airport Khamiistii, Sept. 24, 2015.
Pope Francis oo ay caruur salaameyso xilli uu ka soo degtey garroonka John F. Kennedy International Airport Khamiistii, Sept. 24, 2015.

Baadriga Kiristanka ee mad-habta Kaatooliga Pope Francis oo ku guda jira booqashadiisa taariikihi ah ee Mareykanka, ayaa Jimcaha maanta la filayaa in uu booqdo xarrunta Q.M. ee New York, halkaas oo uu hadal ka jeedin doono.

Pope Francis, oo maalintii afaraad ku sugan Mareykanka, ayaa lagu wadaa in uu hadal u jeediyo golaha guud ee Q.M., kadibna uu ka qeyb galo munaasad ka dhici doonta xarrun lagu xasuusto dadkii ku waxyeeloobey weerarkii 11-ka September, halkaas oo ay ka qeyb gali doonaan dad diimo kala gaddisan leh.

Baadriga, oo shalay Washington ka soo kicitimey, ayaa la rejeynayaa in uu Sabtida u duulo Philadelphia.

Inta uu Mareykanka joogo, wuxuu xoogga saari doonaa ka hadalka arrimaha soo galootiga, isbaddalka cimmilada adduunka, ciribta fakhriga, sinnaan la’aanta iyo qodobbo kale.

XS
SM
MD
LG