Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbaland oo Musaafurisey Qoysaska Shabaab


Kismaayo
Kismaayo

Maamulka Jubaland ayaaa magaalada Kismaayo ka bilaabay howlgallo ay magaalada kaga masaafurinayaan xaasaska iyo caruurta horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada amaanka Kismaayo, ayaa shaaciyay in illaa iyo hadda ay magaalada ka masaafuriyeen 60 mid ah xaasaska Al-Shabaab, iyagoo gawaari ugu daabuley deegaannada ehelladooda ay joogaan ee Shabaabku ay maamulaan.

Badi dadkaasi waxa loo musaafuriyay, deegaannada Jubbooyinka, sida Jamaame, Jilib, Bu'aale iyo Kamsuuma, sida uu VOA u sheegay afhayeenka ciidamada nabad sugidda Kismaayo Axmed Maxamed Maxamud (Axmed Carab).

Wuxuu ku eedeeyay haweenka la masaafuriyay inay fududeyn jireen qaraxyada iyo falalka ammaan-darrada ah ee ka dhacaya magaalada.

XS
SM
MD
LG