Isku xirrada

War Deg-Deg ah

9 Askari oo Lagu Diley Yaaq-bariweyne


Sagaal askari oo ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya, ayaa lagu dilay saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii kooxda al-shababay ay aroortii Jimcaha weerar ku qaadeen saldhigga, sida ay VOA u sheegeen dad deegaanka ah.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Cali Nuur, ayaa VOA u sheegay in Shabaab ay qabsadeen saaka saldhigga ciidamada ee Yaaqbariweyne, ayna heysteen muddo kooban.

Waxa uu Cali Nuur intaas ku daray in ay ciidamadu dib ula wareegeen saldhigga.

Dadka deegaanka, ayaa ku waramaya in Shabaab ay gubeen hal gaari ayna sidoo kale kaxeysteen laba kale.

Waxay kooxdu sheegatay inay dileen 13 askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Shabaab, ayaa waayadan dib u qabsanayay deegaanno hore looga qabsaday oo ku yaalla Shabellaha Hoose.

XS
SM
MD
LG