Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaalaha China oo Weli Hoos u Socda


Men walk past an electronic stock indicator of a securities firm in Tokyo, Sept. 1, 2015.
Men walk past an electronic stock indicator of a securities firm in Tokyo, Sept. 1, 2015.

Walaaca ku aaddan kobaca dhaqaale ee Shiinaha, ayaa waxa sii xumeeyay warbixin niyad jab leh oo ku aaddan waaxda wax soo saarka ugu weyn dalkaasi oo Talaadadii soo baxdey.

Walaaca ku aaddan kobaca dhaqaale ee Shiinaha, ayaa waxa sii xumeeyay warbixin niyad jab leh oo ku aaddan waaxda wax soo saarka ugu weyn dalkaasi oo Talaadadii soo baxdey.

Qiimaha suuqyada Shanghai, ayaa hoos u dhacay markii la furey, hasa yeeshee waxay dib usoo kabsasho ka sameeyen qasaarihii 1.3 boqolkiiba. Saraakiil ka tirsan dowladda Shiinahuna waxay sheegeen inay xaaladdu tahay mid xakameysan.

Suuqyo waaweyn oo ku yaalla magaalooyinka London, Paris iyo Germany, ayaa hoos u dhacay boqolkiiba seddex, iyadoo suuqyada qaar ee Mareykankuna ay hoos u dhaceen boqolkiiba 2.

Shiinaha, oo udub dhaxaad u ahaa kobaca dhaqaalaha sanado badan, ayaa is badallo ku yimaadda ama dib u dhacyada dhaqaale ee dalkaasi waxay saameyn ku yeelaneysa suuqyo badan oo adduunka ah.

XS
SM
MD
LG