Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil iyo Odoyaasha Marka oo Kulan yeeshay


Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa maanta tagay wefti ka socday dowladda Somalia, maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada AMISOM, kuwaasi oo halkaasi u tagay si ay odoyaasha magaalada ugala hadlaan dilkii dhawaan ciidamada AMISOM ay halkaasi ku dileen dad rayid ah.

Wafdiga waxaa ku jiray madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xasan oo magaalada geeyey maamul KMG oo u magaalada u soo magacaabay.

Magaalada intii uu wafdigu joogay ayaa ciidamada AMISOM ee Marka jooga waxaa lagu weeraray bamboo gacmeed, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Xuseen Carab Ciise, madaxa guddiga difaaca ee baarlamaanka Somalia ayaa ka mid ahaa xubnihii Marka tagay, Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka telefoonka ugu waramay.

Waraysiga Xildhibaan Xuseen Carab Ciise
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG