Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Harry Reid oo heshiiska Iran taageeray


Congress Unemployment Benefits
Congress Unemployment Benefits

Senatar Harry Reid oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa muujiyey taageerada uu u hayo heshiiska barnaamijka hubka Nuclear-ka dalka Iran ee ay dhawaan gaareen Iiraan, Mareykanka iyo shan dal oo kale.

Senatar Harry Reid oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa muujiyey taageerada uu u hayo heshiiska barnaamijka hubka Nuclear-ka dalka Iran ee ay dhawaan gaareen Iiraan, Mareykanka iyo shan dal oo kale.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in la xadido awooddaa hubka Nuclear-ka Iran si taas beddeleeda looga khafiifiyo cunaqeynta dhanka dhaqaalaha ee hadda saaran Iran.

Bayaan shalay ka soo baxay xafiiska Senator Harry Reid oo ah hoggaamiyaha xubnaha senatarada laga tirada badan yahay ee dimuqraadiga ayaa heshiiskan ku sheegay mid wanaagsan oo horseedaya in Iiraan laga horjoogsado in ay sameysato hubka Nuclear-ka ee dhanka gulufka.

Taageeraddiis ayaa ah mid ay ka dhigan tahay in ay ku adkaato xubnaha congress-ka ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga in ay la yimaadaan qorshe ay ku horistaagaan heshiiskaasi oo ay horay saluug uga muujiyeen.

Mr. Reid ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in heshiiskan uu yahay mid meesha ka saari doono cabsidii Israel ee ahayd in Iran ay yeellato hubka Nuclear-ka ee dhanka gulufka, uuna heshiiskan yahay mid ay waanwaantiisa horay uga soo qeyb qaateen dalalka Mareykanka, Britain, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ruushka oo dhammaantood xulufo la ah Israa’iil.

XS
SM
MD
LG