Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Dhimashada Qaraxii Shalay oo Korortay


Warar ka laga helayo xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo ayaa sheegayo in ay korortey qasaaraha ka dhashey Qaraxii shaley lala eegtey xarun ciidan oo ku taala Jaamacada magaalda Kismaayo.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tiradu ay ku dhow dahay dhowr iyo labaatan qof dhimashadu iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay

Dhaawacyada ayaa kuwa ugu culus loo kala duuliyay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi si halkaasi loogu dabiibo.

Waxaa jira warar sheegayo in la toogtey qof looga shakisanaa inuu weerarkasi ku luglahaa inkastoo saraakiisha ciidanka ay sheegeen in ay jiraan dad ay u qabteen arinkaan sidaasi waxaa VOA u sheegay Saraakiil ka tirsan maamulka Jubba.

DHAGEYSO QASHAARAHA WEERARKII SHALAY EE KISMAYO
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:04 0:00

XS
SM
MD
LG