Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Wasiir Goboleed Qarax Lagu Dilay


Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Maamulka gobolka dadka badan ay ku noolyihiin Pakistan ee Punjab ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah, waxaana lala dilay 14 qof oo kale.

Shuja Khanzada ayaa Axadii shalay lagu dilay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala degmada la yirahdo Attock, oo qiyaastii 100 KM dhinaca waqooyig galbeed ka xigta caasimadda dalkaasi ee, Islamabad.

Goob joogayaasha ayaa ku soo waramaya in dad gaarayay ilaa iyo 30 qof ay ku jireen gudaha guriga wasiirka, markii qof bam isku soo xiray uu gudaha u galay oo uu isku qarxiyay, inkastoo ilaaladii wasiirka ay isku dayeen in qofkaasi ay hakiyaan.

Tobaneeyo qof oo ay ku jireen saraakiil boolis ayaa ku dhintay burburka guriga wasiirka oo gebi ahaan qaraxaasi weynaa uu dhulka ku daray.

Masuuliyiinta Pakistan ayaa sheegay in Wasiirka Geeriyooday ay beryihii ugu dambeeyay hanjabaado uga imaanayeen kooxda mintidka ah ee Suniyiinta ee Leshkar, oo lagu yaqaan weerarada dhimashada leh ee ay u geystaan Shiicada laga tirade badanyahay ee Pakistan.

Bishii la soo dhaafay, ayaa booliska argagixisada la dagaalama ee Punjab waxey dileen Malik Ishaq, oo madax u ahaa kooxdan Lej.

Wasiirka iminka la dilay Khanzada ayaana xogta dilkiisa ku faahfaahiyay shir jaraa’id oo uu qabtay.

Wasiirkan wuxuu hormuud ka ahaa howlgallo dhinaca amaanka oo ka dhan ah mintidiinta gobolka Punjab.

Saraakiishu ayaa aaminsan in weerarkan lagu dilay uu ahaa aargudasho.

XS
SM
MD
LG