Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Laga Waayay Hawada Indonsea


Diyaarada laga leeyahay dalka Indonesia oo ay saarnaayeen 54 rakaab ah ayaa laga waayey hawada gobolka Papua oo ku yaalla Bariga dalka Indonesia

Duulimaadkan oo tirsigiisu yahay 267 ee diyaaradda Trigana ayaa xiriirkiisa la waayay 30 daqiiqo kaddib markii ay diyaaradaasi ka duushay eeriboorka magaalada Sentani ee caasimad goboleedka gobolka Papua.

Diyaarada ayaa la filayay in muddo 50 daqiiqo kaddib ay caga-dhigato eeriboorka magaalada Oksibil.

Saraakiisha ha’yadda hawada ee dalka Indonsea ayaa sheegay in dadka saarnaa diyaaradaasi ay ahaayen 44 rakaab ah oo ay wehiliyaan shan carruur ah iyo shan shaqaalaha diyaarada ah.

Baadi-goobtka loogu jiro diyaaradaasi ayaa ka hakiyey kaddib markii uu galabku dhacay siduu sheegay madaxa saldhigga ciidanka ee magaalada Sentani korneyl Susila Adyana, isoo sheegay in baadi-goobka dib loo billaabi doono berri oo Isniin.

Diyaarada la lalayaha ee Trigana ayaa ah mid sameysa oo kaliya duulimaadka gudaha.

XS
SM
MD
LG