Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF oo ka jawaabtay warbixintii guddiga QM


Shirkadda Soma OIL
Shirkadda Soma OIL

Dowladda Somalia ayaa war aan jirin oo marin habaabin ah ku tilmaantay warbixintii Kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka arimaha Somalia iyo Eritrea ee ku eedeysay Shirikadda Som Oil & Gas inay mushaaraad sharci darro ah siiso qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Somalia.

War saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in warbixntaasi ay sarbeebeyso in wasaaraddu ay ku tagri fashay hanti Qaran, hase yeeshee aysan taasi waxba ka jirin.

Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay ayaa muujineysa inu jiro heshiis qoraal ah oo 25kii bishii April sanadkii 2014kii ay wada galeen wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo shirkadda Som Oil & Gas kaasoo ay ku xusnaayeen mushaaraad la siiyo shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo magacyadooda.

Wasaradda Batrolka ayaa war saxaafadeedkeeda ku sheegtay in dhamaan mushaaraadka shaqaalaha wasaaradda ee ay bixisay shirikadda SOM OIL &Gas la soo marsiiyay si sharci bangiga dhexe, heshiiskuna uu yahay mid aan qarsoodi aheyn oo la heli karo

XS
SM
MD
LG