Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisado Weli ka Taagan Ferguson


Rabshado kale ayaa habeenkii talaadada ka dhacay magaalada Ferguson, Gobolka Missouri ee dalkan Mareykanka, maalin ka dib markii dad- bax lagu xusayay sanad ka dib dilkii Michael Brown, uu ku dhamaaday israsaaseyn iyo dhaawac halis ah oo soo gaaray wiil kale oo dhalinyara ah oo Madow ah.

Wariyaha VOAda Kane Farabaugh, oo ku suggan magaaladan Ferguson, ayaa ku soo waramaya in Biliisku ay xireen ugu yaraan laba qof ka dib iska horimaad dhex maray dad dibax dhigayay oo doonayay inay isugu soo ururaan bartamaha isgoys ciriiri badan iyo boolsika oo halkaa u tagay si ey u kala eryaan.

Wariyeheenna waxa uu sheegay in xaaladdu ay aheyd mid aad u kacsaneyd.

Wariye Filim qaade ah oo ka tirsan wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa oo ku dhex jiray dadka mudaaharaadka dhigayay ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartay suntii ay boolisku dadka ku kala eryayeen.

Goor sii horeysayna, saraakiisha deegaanka St. Louis ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.

XS
SM
MD
LG