Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom "98 Shabaab ah ayaan dilnay"


AMISOM Photo / Tobin Jones 1
AMISOM Photo / Tobin Jones 1

Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada Amisom Col. Cabdiraxmaan Dhimbil, ayaa sheegtay in howl-gallo ay dhowaanahan ka wadeen gobolka HIiraan ay ku dileen 98 ka tirsan dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallada ay ku qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Buq-Aqable, Halgan, Moqokoray iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, oo dagaal-yahannada Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Isaga oo la hadlayey idaacadda VOA-da, ayaa Col. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in inta badan howl-gallada ay ka socdaan deegaannada Ceel-Idaad, Buq-Qoosar iyo Ceel Cali, isaga oo intaas ku daray in Shabaabka ay isku uruusadeen deegaannada Galhareeri iyo Harardheere, oo uu sheegay in iminka ay ku wajahan yihiin.

Taliyaha ayaa sheegay in duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Booco ay ku dileen 98 ka tirsan dagaal-yahannada Al-Shabaab, waxaana uu dhinac isaga riixay wararka sheegaya khasaare gaaray dadka shicibka ah, isaga oo ku warramay inuusan maqal wax khasaare ah oo gaaray shacabka.

Cabdiraxmaan Dhimbil ayaa ku nuux-nuuxsaday in howl-galkan uu ka duwan yahay kii hore oo uu lee yahay muhiimad gaar ah, maadaama iminka uu socdo qorshe la doonayo in maamul loogu dhiso goboollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Hoos ka dhageyso wareysiga Col. Cabdiraxmaan

Wareysiga Amisom
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00
XS
SM
MD
LG