Magaalada Hargeisa waxaa xalay fiidkii hore isku dhacay dad shacab ah iyo ciidamada booliska, waxaan goobtaas ku geeriyooday wiil 11 sano jira ah halka ay ku dhaawacmeen illaa afar qof oo kale.
Goobjoogayaashii ku sugnaa halka wax ka dhaceen ayaa VOA u sheegay in wiilkan dhintay iyo dhaawacaba ay sababeen ka dib markii ciidamada boolisku ay rasaas ku rideen dhalinyaro dhagax-tuurtay, halkaas oo ciidamaduna ay ku jawaabeen inay rasaasta si hoose ugu ridaan dadkii, waxaana dadka waxyeelladu soo gaadhay ay u badnaayeen hal qoys.
Dhaawacii ayaa la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeisa, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Mustafe Maxamed oo goobta rabshaddu ka dhacday ku sugnaa VOA ayaa sheegay in rabshaddu ay ka bilaabantay muran la xidhiidha dhul, sidoo kalena xabsiga loo taxaabay aabbihii qoyskan.
Illaa hadda nooma suuro gelin inaan helno laamaha amniga si aan arrintan wax uga weydiino.