Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masiixiyiinta Syria oo Ka Cararaya Weerarada ISIS


Qoysas badan oo haysta diinta Masiixiga ayaa ka qaxay magaalo ku taalla dalka Syria iyaga oo cabsi ka qaba kooxda ISIS oo ku soo jeeda magaaladaas.

Osama Edward oo madax u ah shabakad u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo dadka Masiixiga ahi leeyihiin ayaa sheegay in boqollaal qoys ay ka qaxeen magaalada Sadaad.

Waxana Osama Edward uu sheegay in dadka haysta diinta Masiixiga ee deegaannadan ku sugani ay cabsi ku nool yihiin, iyaga oo maanka ku haya wixii ku dhacay dadka laga tirade badan yahay ee Masiiyiinta ah ee ku nool dalka Ciraaq. Waxayna kala dooranayaan inay qaxaan, inay qaataan diinta Islaamka iyo in la laayo.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee dusha kala socda xasaradaha dalka Syria ee fadhigiisu yahay dalka Britian ayaa xaqiijiyey in dagaalo culusi ay ka jiraan deegaanka u dhexeeya Qaryatain iyo tuulada Mheen oo u dhow Sadaad.

XS
SM
MD
LG