Xarunta madaxtooyada Somalia waxaa maanta lagu saxiixay heshiiska maamul-u-sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Kulanka heshiiska lagu saxiixay waxaa ka qeybgalay madaxda dowlada iyo wakiillada beesha caalamka, iyadoo ay heshiiskan saxiixaan guddoomiyayaasha labada gobol, wasiirro iyo xildhibaannada gobolladaaasi ka soo jeeda.
Shirka maamulka loogu dhisayo labada gobol aya la filayaa inuu bilowdo 1-da bisha soo socota ee September.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulanka ka hadlay ayaa sheegay in tallaabada siyaasiyiinta iyo madaxda gobolladan ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid taariikhi ah oo mustaqbalka waddanka waxtar u leh.
‘’Waxaan maanta u wada fadhinaa tallaabo kale oo horumar ah, taas oo qeyb ka ah baahinta xukunka. Saxiixa heshiiska maanta waxaa uu soo afjarayaa goobihii weli harsanaa ee aan weli maamulka lagu baahin. Waxaa maanta kadib inoo bilowdey fursad cusub oo ah inaan helno mas’uuliyiin aan kala xisaabtanno taako kasta oo dhulkeena ka mida ah’’