Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Japan oo Baadhaysa in Maraykanku Basaasay


Ra’iisal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa walaac ka muujiyey eedaha la xidhiidha in Maraykanku uu basaasay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda Japan iyo ganacsato kala duwan.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Japan oo lagu magcaabo Yoshihide Suga ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Japan Shinzo Abe uu ku baaqay in arrintan baadhis lagu sameeyo, ka dib markii uu khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden.

Afhayeenka xukuumadda Japan ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden uu raalligelin ka bixiyey arrintan, laakiin muu sheegin in Biden uu si toosa u xaqiijiyey inay jirto in la basaasay Japan iyo inkale.

War ka soo baxay aqalka cad shalay oo saalasa ahayd ayaa lagu sheegay in Biden uu khadka telefoonka kula xidhiidhay ra’iisal wasaaraha Japan Abe isaga oo u xaqiijiyey sida dalka Maraykanka ay uga go’an tahay iskaashiga isbahaysiga ay la leeyihiin dalka Japan isla markaana uga mahadceliyey ra’iisal wasaaraha sida uu u sii wado iskaashiga labada dhinac.

XS
SM
MD
LG