Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Ohio oo Qaadday Koobkii Toddobaadka Soomaalida


Ciyaaraha
Ciyaaraha

Dalka Canada waxaa xalay lagu soo gebagebeeyey Tartanka Kubadda Cagta oo qayb ka ahaa kulanka Soomaalida ee ka dhacayey dalka Canada. Tartankan kubadda Cagta ee xalay la soo gebagebeeyey ayaa sannad kasta la qabanayey 25-kii sano ee ugu dambeeyey.

Waxaa xalay ciyaarka kama-dambaysta isugu yimi laba kooxood oo ka kala socday Toronto iyo Ohio, waxaana koobka 3 gool iyo 2 gool ku badisay kooxda ka socotay gobolka Ohio.

Marti kala duwan ayaa ka qayb gashay koobkan oo uu ka mid ahaa madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow, waxaana xafladdii xidhitaanka lagu marti-qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, isaga oo koobka guddoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay koobka ee ka socotay gobolka Ohio.

Intii ciyaartu socotay waxaa VOA uga waramay tartankan sida uu ku soo gebageboobay, Axmed Cabdikariin Walaayo oo ku magacdheer Cantar-jeenyo oo ah guddoomiyaha guddida qabanqaabada.

Tartanka Ciyaaraha
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG