Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burma oo Cafis u Fidisay illaa 7,000 oo Maxbuus


Dalka Burma ayaa sii daayay illaa 7,000 oo maxaabiis ah oo ay ku jiraan illaa 155 u dhashay dalka Shiinaha oo lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu eedeeyey inay dhir badan jareen.

Kooxda Shiinaha ah ayaa ka mid ahaa illaa 210 ajnebi ah oo ka faa’iidaystay cafiskan sida lagu faafiyey wakaaladda wararka ee Xinhua.

Wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa sheegtay in maxaabiistan la dhoofin doono maanta oo khamiisa, taas oo qayb ka ah xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada waddan.

Wasaaradda Warfaafinta ee dalka Burma ayaa sheegtay in la sii daynayo illaa 6,966 qof dalka oo dhan kuwaas oo u badan arrimo bini’aadanimo iyo arrimo la xidhiidha dib u heshiisiin qaran.

XS
SM
MD
LG