Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Khudbad u Jeediyay AU


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa safarkiisa Africa ku soo afjaray khudbad uu ka jeediyay Midowga Africa oo uu qaaradda ku ammaanayo horumarka, isagoo dhinaca kale ka digay in horumarkaasi lagu xajin karo oo kaliya sii wadiska barnaamijyada horumareed iyo dimoqraadiyad loo dhan yahay.

Mr. Obama oo haatan dib ugu soo noqonaya Washington ayaa noqday madaxweynihii u horreeyey ee Maraykan ah oo isagoo xil haya khudbad ka jeediyay xarunta Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa.

Obama wuxuu hoggaamiyayaasha Africa u sheegay xiisaha gaar ahaaneed ee uu u hayo guul ay qaaraddu gaadho, isagoo yiri” Waxaan hortiina u taagannahay anigoo ah Maraykan qanacsan, iyo anigoo ah wiil Africaan ah.”

Obama wuxuu ammaanay horumarka ama dadaalka qaaradda ay ka gaadhay cudurka AIDS iyo malaayiinta qof ee African ah ee laga saarayo sabboolnimada, isagoo xusay doorka ay dowladda Maraykanku ku leedahay horumarkan.

Obama wuxuu soo hadal qaaday sharciga fursadda iyo kororka Africa, oo ah sharci looga gol-leeyahay in kor loogu qaado ganacsiga iyo qorshaha diirada lagu saarayo amniga, kordhinta helitaanka korontada iyo in Africa laga taageerro hal abuurka ganacsiga.

Madaxweyne Obama wuxuu dhinaca kale ka digay in horumarka qaaraddu uu ku fadhiyo aas-aas jilicsan, iyadoo boqolaal malyuun oo Africa ah ay wali sabool yihiin iyagoon haysan kaabayaasha aas-aasiga ah.

Obama wuxuu sheegay in horumarka Africa uu ku xiran yahay demoqraadiyad, doorashooyin xor iyo xalaa ah, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo golleyaasha.

Obama wuxuu sheegay in horumarka dhinaca dimoqraadiyada ee qaaraddu ay halis ka soo wajahayso hoggaamiyayaal diidaya inay xukunka ka dagaan marka wakhtigoodu dhammaado.

Dhanka kale, Obama wuxuu khudbadiisa kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, oo u sheegay inaan lagu guulaysan karin ilaa xukuumadduhu ka hadlaan cabashooynka ay ka faaideystaan kooxaha argagixisadu.

XS
SM
MD
LG