Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoggaamiye Ka Tirsan Al-qaacida oo La dilay


Wasaaradda ayaa sheegay in Muxsin Al-Fadli lagu dilay weerar dhanka cirka ah 8-dii bishan xilligaasi oo saarnaa gaari uu ku safrayey.

Hoggaamiyaha la dilay ayaa la sheegay in uu madax u ahaa farac ka tirsan ururka Al-qaacida oo weerarku ku qaaday Mareykanka iyo xulufadiisa.

Hoggaamiye Muxsin ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaal sar sare oo fududeeyey islamarkaasna lagu wargeliyey intuusan dhicin weerarkii Mareykanka lagu qaaday ee Sept. 11, ee sanadkii 2001-dii.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in hoggaamiye Muxsin uu ku luglahaa weerar bishii October ee sanadkii 2002-dii lagu qaaday ciidanka badda Mareykanka ee ku sugan jasiiradda Faylaka ee dalka Kuwait.

XS
SM
MD
LG