Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo lagu laayay magaalada Cadan ee dalka Yemen


Firefighters work to extinguish a fire following rocket attacks by Shiite rebels known as Houthis at storage tanks of an oil refinery in the port city of Aden, Yemen, July 14, 2015.
Firefighters work to extinguish a fire following rocket attacks by Shiite rebels known as Houthis at storage tanks of an oil refinery in the port city of Aden, Yemen, July 14, 2015.

Ugu yaran 43 qof oo ku sugnaa magaalda Cadan ee dalka Yemen ayaa dhintay 100 kalena way dhawacmeen kadib markii uu ku dhaceen madaafiic la sheegay inay soo rideen Xuutiyiintu Axadii shalay.

Jabhada xuutiyiinta ayaa bilihii ugu dambeeyay ba ku dagaalamayay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Cadan, iyagoo dagaal kala hor yimi ciidamada dawladda uu caalamku aqoonsan yahay ee dalkaasi.

Isbahaysiga uu sucuudigu hogaminayo ayaa iyaguna wali wad duqaymaha ay la beegsanayaan xuutiyiinta, iyadoo uu madaxwaynihi wadankaasi Abd Rabbu Mansour Hadi uu haatan baxsad ku joogo magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga.

XS
SM
MD
LG