Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Lagu Booriyay Inuu Cadaadiyo Kenya


A pilgrim walks on her knees paying penance at the Fatima sanctuary in Fatima, Portugal.
A pilgrim walks on her knees paying penance at the Fatima sanctuary in Fatima, Portugal.

Koox hey’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ka kooban ayaa ku booriyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama inuu uga faa’ideysto safarkiisa uu dhawaan ku tagayo Kenya, cadaadis uu ku saaro dowladda Kenya inay wanaajiso han dhaqankeeda dhinaca xuquuqda aadanaha ah ee aan wanaagsaneyn.

Hey’adda, Human Rights Watch, ayaa sii deysay warqad qoraal ah oo arintan ku wajahan maanta oo Arbaca ah, iyadoo ku hadleysay magaca 17 hey’adood oo xuquuqda aadanaha ka shaqeeya.

Warqadan ayaa lagu sheegay in hey’adahani ay walaac ka qabaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu wiiqayo dastuurka Kenya iyo sida uu u dhowrayo xuquuqda aadanaha, isagoo marmarsiyo ka dhiganaya in amniga qaranka lagu hagaajinayo oo argagixisadana lagula dirirayo.

Warqadan ayaa ku boorisay Madaxweyne Obama in arrintan uu kala hadlo, madaxweynaha Kenya marka ay is arkaan.

Booqashada Obama ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo isagoo madaxweyne ah uu ku tago halka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Dhinaca kale, suuqa West Gate ee Magaalada Nairobi ayaa dib u furmaya laba sanood ka dib markii weerar ay al-shabab ka fulisay ay ku dhinteen 67 qof.

Shirikad laga leeyahay Israel oo amaanka Dhismaha suuqan masuul ka ah ayaa balan qaaday in suuqan uu noqon doono kan ugu amaansan dunida.

XS
SM
MD
LG