Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia oo Kenya Dacwad ka Gudbisay


Dawladda Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay maxkamadda caalamiga ah dacwad ka dhan ah dalka Kenya oo ku aaddan muranka dhinaca badda.

Wefti uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ay ku jiraan Safiiro, Garyaqaano kala duwan iyo khubaro dhinaca badda ah ayaa maanta dacwaddaas u gudbiyey Maxkamadda oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherland.

Goor dambe oo maanta ah kuna beegan fiidnimada wakhtiga bariga Afrika ayaa la filayaa in weftiga Soomaaliya ay warbaahinta la hadlaan si ay faahfaahin uga siiyaan dacwadda ay gudbiyeen.

Sida uu VOA u sheegay Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, Dacwaddan ayaa la filayaa inay Kenya ka soo jawaabto sannadkan daba-yaaqadiisa, taas oo qaadan karta sannado in go’aan rasmi ah looga gaadho.

Hoos ka Dhegeyso Waraysi uu shalay siiyey VOA Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

Dacwadda Badaha
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG