Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA: Blazer Shaqada Ayaan ka Erinay


Xiriirka Kubadda Cagta ee Adduunka ayaa shaqada ka eryay xubin ka tirsanaa hogaanka xiriirka, Chuck Blazer, kasoo lagu eedeeyay inuu qaatay laashuush fara badan isla markaana uu xogta hey’adda u basaasi jiray baaristii dowladda Mareykanka ay ku waday FIFA.

Guddiga Anshaxa ee FIFA oo go’aankan ku dhawaaqay maanta oo Qamiis ah ayaa sheegay in Mr. Blazer uu ku kacay dhaqane xummo muddo soo jiitameysay isagoo xil sare ka hayay FIFA iyo Xiriirka xubadda cagta ee waqooyiga iyo bartamaha America iyo Jaziiradaha Caribbianka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo CONCA-CAF.

Mr. Blazer ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa laaluush la aqbalay, kuwo la bixiyay iyo lacago si sharci darro ah la isu daba mariyay.

Mr. Blazer oo ku soo dhex jiray cayaaraha muddo 20 sanadood ah ayaa ka mid ahaa saraakiisha kubadda cagta ee aduunka ugu awoodda badan.

Bishii November ee sanadkii 2013kii ayuu si qarsoodi ah maxkamad uga hor qirtay dambiyo lagu eedeyay, hase yeeshee waxa uu heshiis la galay dacwad oogayaasha si uu uga caawiyo baarista musuqmaasuqa FIFA.

Blazer ayaa u sheegay Qaadi Mareykan ah in isaga iyo saraakiil kale oo Guddiga Filinta ee FIFA ku jiray ay malaayiin dollar oo laaluush ku qaateen inay ka aqbalaan Faransiiska martigelintiisii Koobkii kubadda Cagta ee Aduunka ee sanadkii 1998kii. iyo kii ay martigelisay koonfur Africa sanadkii 2010kii.

Blazer oo 70 sana jir ah ayaa hadda saaran gaari curyaan isagoo la xanuunsanaya kansar ku dhacay oo looga daweynayo cusbital ku yaala New York, isagoo xusun suge ah.

XS
SM
MD
LG