Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Dayax-gacmeed u Diray Hawada Sare


Dayaxgacmeed aan cidi wadin oo Ruushku leeyahay ayaa subaxnimadii Axadda ee shalay ku degey xarunta caalamiga ah hawada sare, waxaana arrintani ka dambaysay ka dib markii dhawr goor lagu guul darraystay in xarunta hawada sare la gaadhsiiyo sahay kala duwan.

Dayaxgacmeedkan la diray ayaa gaadhsiiyey xarunta hawada sare ee Caalamiga ah in ka badan saddex ton oo isugu jirta cunto, shidaal iyo sahay kale oo halkaas looga baahnaa.

Masuuliyiin kala duwan ayaa sheegaya inkastoo marar kala duwan lagu guul darraystay ganista cirbixiyeenka haddana inaanay jirin wax khatar ah oo haysatay xarunta hawada sare sida in cuntada ama sahaydu gabaabsi ku ahayd oo kale.

Cirbixiyeen u dhasha Maraykanka oo lagu magcaabo Scott Kelly, iyo laba cirbixiyeen oo u dhashay Ruushka Gennady Pakalka iyo Mikhail Kornienko ayaa xilligan ka hawlgala Xarunta Hawada sare ee Caalamiga ah.

Dhammaadka bishan ayaa la filayaa in saddex cirbixiyeen oo kale loo duuliyo xarunta hawada sare si ay ugu biiraan cirbixiyeenada ku sugan haatan.

XS
SM
MD
LG