Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'yi Ururin laga Sameeyey Aftida Giriiga ka Dhacaysa


Ra’yi ururin hordhac ah oo laga sameeyey aftida la filayo in loo qaado maalinta Axadda Hindisaha Gunti-giijiska ee Midawga Yurub soo jeediyey ayaa muujinaysa in si weyn loogu kala aragti duwan yahay hindisahaas.

Illaa 1000 qof oo ra’yi ururin laga sameeyey bishii June 30-keedii illaa July 1-deedii ayaa muujinaysa in 44.8% dadka ra’yi ururintaas ka qayb galay ay sheegeen inay u codaynayaan “Haa” halka 43.4% ay iyagu ka soo horjeesteen hindisaha gunti-giijiska ee Midawga Yurub soo jeediyey. 11.8% ayaa sheegay inaanay weli go’aansan dhinaca ay u codaynayaan.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Giriiga ayaa u ololaynaya in shacabka dalkaasi u codeeyaan maya, isaga oo ku doodaya inay dalkaas siin doonto fursad dheeri ah oo uu dalkaasi ugu loollamo mustaqbalkiisa.

XS
SM
MD
LG