Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamijka ObamaCare oo la Ogolaaday


Obama oo Muusoonaya
Obama oo Muusoonaya

Go’aan ay shalay gaartay Maxkamadda Sare ee Maraykanku, kaas oo ay ku ogolaatay sharci-nimada barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Madaxweyne Obama uu hindihiisa lahaa ayaa guul weyn u ah Mr. Obama. Qeybo ka mid ah hanaankan caafimaad ayaa xubnaha xisbga Jamhuurigu ay dacwad ka gudbiyeen, taas oo shalay ay maxkamadda sare go’aan ka gaartay. Ma aha markii ugu horeysay ee Maxkamadda Sare ay go’aan ay ku taageerayso ka soo saarto barnaamijkan daryeelka caafimaadka. Bishii June ee sanadkii 2012kii ayey markii cod ay qaadeen 9-ka garsoore ee Maxkamadda Sare ay 5nna taageertay 4na ka soo horjeedsatay. Go’aankii 2012ka ayaa taageerayey in dadka ay khasab ku tahay inay iibsadaan daryeel caafimaad, haddii kalena la ganaaxayo.

Haddaba muxuu go’aanka shalay ee M. Sare ku saabsan yahay? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu weydiiyey Cabdi-kheyr Soofe oo xiriirka bulshada u qaabilsan magaalada Columbus ee gobolka OHIO.

Dhageyso Warbixinta ObamaCare
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:48 0:00

XS
SM
MD
LG