Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 4 ku Dhimatay Weerar Is-miidaamin ah


Saddex ka mid ah askarta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo qof rayid ayaa ku geeriyooday, saddex askari oo kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii qarax ismiidaamin ah uu maanta ka dhacay agagaarka cisbtiaalka xoogga ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa shaqaale u dhashay waddanka Imaaraadka carabta oo la sheegay in ay magaalada Muqdisho u joogaan howlo dhismo ah iyo askar iyaga la socotay, waxaana la sheegay in shaqaalaha imaaraadka aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin qaraxaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in sidoo kale ay dhibaato ka soo gaartay dad barakacayaal ah oo agagaarka cisbitalka Xoogga daggan oo goobtii ay dagganaayeen uu ugu tagay firirka qaraxa, hase ahaatee lama hubo khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray.
Dadka dhaawacu soo gaaray ayaa la geeyay cisbitalka madiina ee magaalada muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo.
Ilaa iyo hadda mar jirtoo cid sheegaay qaraxaasi.
Dhageyso Qaraxa Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:54 0:00

XS
SM
MD
LG