Isku xirrada

War Deg-Deg ah

19 qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Afghanistan


Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyay maanta oo Axad ah in qarax bambaano jidka dhinaceeda la dhigay oo ka dhacay gobolka koonfureed ee Helmand ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof oo rayid ah, oo ay sagaal caruur ah ku jireen.

Dadka ayaa dhintay markii miino ay ku qaraxday gaari ay saaraayeen, xilli ay qaxayeen dagaal ku dhex marayay meel ku dhow degmada la yirahdo Marjah ciidamada Afghanistan iyo dagaalyanada Taliban.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo warameysa in dhamaan caruurtii ku dhimatay qaraxaasi ay ahaayeen caruur da’adoodu ay ka hooseeysay shan sana jirka.

Dhinaca waqooyi ee Afghanistanna , saraakiishu waxey sheegeen in dagaalyahanada Taalibaan ay qabsadeen degmada Chardara oo ah degmo muhim ah Sabtidii shalay.

XS
SM
MD
LG