Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Maamulka Gobolada Dhexe oo la Ansixiyay


Shirka Cadaado
Shirka Cadaado

Xubnaha Ergada shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa maanta ansixiyay dastuurka uu yeelanayo Maamulkaas, oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka doodayeen.

351 Ergo oo kala matalayay deegaanada iyo beelaha degga Gobolladda Dhexe ayaa cod gacantaag ah u qaaday dastuurka kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Cadaado.

Dastuurkan KMG ee Maamulka Gobollada Dhexe ayaa gacan taag ku ogolaaday 310 xubnood , halka 12 Ergo ay diideen 29 ka kalena ay ka aamuseen.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee dastuurkan la ansixyay ku xussan ayaa waxaa ka mid ah, xuddoodda, calanka iyo caasimadda maamulkan cusub uu yeelan doono.

Qodobka xuduudaha gobolka oo dhigaya in gobolka xadkiisu uu yahay Gobolka Nugaal oo haatan ay maamusha dowlad goboleedka Puntland. Maamulka wuxuu yaalanayaa calan astaan u ah gobolka oo laba xidigood oo u taagan labada gobol ay ku xardhanyihiin qeyb ka mid ahna u taagan calanka Somalia. Magaalada Dhuusamareen ayaa noqneysa caasimadda maamulka, halka magaca guud ee maamulka uu yahay Galmudug.

Qodobkan waxa uu burinayaa heshiiskii dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland ee ahaa in Maamulka Gobolada Ghexe uu ku ekaado Koonfurta Magaalada Galkacyo.

Shirka ayaa hadda u gudbi doona wajigiisa saddexaad oo ah xulista Xildhibaanada baarlamanka gobolka iyo Guddoomiyahooda, kuwaa oo Iyana soo dooran doona Madaxweynaha maamulka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federalka ee dowladda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlayay raadiyaha dowladda ayaa sheegay in todobaadyada soo socda uu shirku dhameystiri doono doorashada baarlamanka iyo madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG