Masuuliyiinta Amniga ee dalkan Mareykanka ayaa ku eedeeyay laba nin inay maleegayeen qorshe ay ku caawinayaan in Mintidiinta Ururka Daacish ay dilaan Muwaadiniin Mareykanka u dhashay, waxana ku jira qorshooyin lagu qaarajin lahaa saraakiil ka tirsan booliska Magaalada Boston.
War ka soo baxay wasaaradda cadaalada ee Mareykanka ayaa labadan nin magacyadooda ku sheegay , David Wright, oo 25 sana jir ah iyo , oo ka soo jeeda magaalada Everett, gobolka Massachusetts, iyo Nicholas Rovinski, oo 24 sana jir ah oo ka soo jeeda Warwick, Jasiiradda Rhode Island.
Rovinski ayaa ka soo muuqday Maxkamad Federal ah oo ku taala magaalada Boston Jimcihii shalay, halka Wright la soo xiray todobaadkii la soo dhaafay.
labadan nin ayaa loo heystaa in iyaga iyo rag kale ay ka wada shaqeynayeen shirqool ka dhan ah mudaawiniin Mareykanka u dhashay.
Usaamah Abdullah Rahim, oo 26 sana jir ahaa oo adeer u ah mid ka mid ah labadan wiil ayaa 2dii bishan ay boolisku toogasho ku dileen Boston ka dib markii uu middi ku weeraray askari boolis ah.