Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Diiday Canbaareynta G7


Shiinaha ayaa ku eedeeyey Wadamada G7 inay s "mas'uulliyad darro ah" uga hadleen jaziiradaha lagu muransan yahay ee ku yaalla Bariga iyo Koonfurta dalka Shiinaha.

War-murtiyeed ka soo baxay geba-gebada shirkii G7 ayaa lagu muujiyay walaaca ay dalalka ka qabaan xiisadda dhinaca baddaha ee ka taagan qaaradda Asia, waxayna dhinacyada oo dhan ugu baaqeen inay ixtiraamaan shuruucda caalamiga ah.

G7 ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan daandaansiga iyo in awood la adeegsado, waxayna ka digeen in cid gaar ahi ay isku daydo inay keligeed tallaabo qaado si ay arrintan wax uga bedesho.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ku gacan seyrtay war-murityeedka G7, kuna tilmaantay mid "ka fog xaqiiqda"

Shiinaha ayaa sheeganaysa isla markaana garoomo iyo dhismayaaal kale ka dhisaysa jaziiraddaha Spratly, oo ah jaziiraddo ay sidoo kale sheeganayaan inay leeyihiin dalalka Philippines, Vietnam, Malaysia, Brunei and Taiwan.

Jaziiraddaha ayaa hodan ku ah macdanta dabiiciga ah, waxayna sidoo kale tahay marin dhinaca ganacsiga ah.

XS
SM
MD
LG