Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadamada G7 oo Ruushka u Hanjabay


Wadamada Toddobada ah ee ka horumaray dhinaca Wershedaha ayaa digniin u jeediyey dalka Ruushka iyaga oo sheegay inay ku soo rogi doonaan cunaqabatayno dhaqaale oo xooggan illaa ay dawladda Ruushku si rasmi ah u dhaqan gelinayso heshiiskii xabbad joojinta ee lagu gaadhay dalka Belarus.

Heshiiskaas ayaa dhex maray Xukuumadda Ukraine iyo weliba kooxaha mucaaradka ah ee Ruushku taageero.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu jiray heshiis xooggan oo meel dhexe la isugu yimi kaas oo culays saaraya dalka Ruushka ku aaddan doorka ay ku leeyihiin xiisadda dalka Ukraine ka taagan iyo weliba goosashadii gobolka Crimea ee sannadkii hore.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in suaasha hortaalla Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inay tahay inuu kala doorto inuu doonayo in dalkiisu galo go’doon dhinaca dhaqaalaha ah iyo inuu ixtiraamo madax banaanida dalka Ukraine.

XS
SM
MD
LG