Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UAE iyo Somaliland oo Mashaariic ka wada Hadlay


Hirsi Ali Haji Hassan
Hirsi Ali Haji Hassan

Wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u waramay VOA ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo u badan mashaariicda horumarinta oo ay ku jirto Dekedda Berbera iyo weliba Culayska ka yimi dagaalka dalka Yemen, sidoo kale Wasiirka ayaa ka jawaabay suaal la xidhiidha Doodda dhinaca Sharciga ee ka taagan Heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi ee lagu soo afjaray murankii siyaasadeed.

Wasiirka oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa khadka telefoonka ugu waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:37 0:00

XS
SM
MD
LG