Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka G7 oo Furmay iyo Ruushka oo laga Reebay


Germany G7 Protest
Germany G7 Protest

Kumanaan mudaharaadayaal ah oo isugu jira kooxaha ka soo horjeeda nidaamka hanti-goosiga iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa nabadda ayaa isugu soo baxay goobta ay ku shirayaan wadamada G7 ee ka horumaray dhinaca wershedaha.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya inay isku dhaceen debed-baxayaasha iyo weliba ciidamada ammaanka ee halkaas la geeyey oo gaadhaya illaa 20,000 oo askari.

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa soo dhoweynaysa madaxda dalalka Maraykanka, Britain, Japan, Faransiiska, Talyaaniga iyo weliba Midawga Yurub. Dalalkan ayaa ka filayaa inay ka wada hadlaan xaalada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dalka Giriiga, arrimaha argagixisada, xiisadda dalka Ukraine, arrimaha bariga dhexe iyo weliba isbedelka Cimilada dunida.

Waa shirkii labaad ee noocan ah ee aan laga marti gelin dalka Ruushka oo xubin ka ahaa hase ahaatee sannadkii hore laga saaray ka dib markii dalkaasi la wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine.

XS
SM
MD
LG