Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garissa: Alshabab oo Weeraray Askarta Kenya


Booliska Kenya ayaa sheegay in hal askarta booliska ka tirsan uu dhintay kuwa kalena ay dhaawacmeen markii maleeshiyada al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ka fuliyeen meel u dhow Tuulada Yumbis ee gobolka Garissa.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka koowaad uu dhacay galinkii danbe ee shalay, markii baabuur booliska ah miino la kacday, halkaasina ay ku dhaawacmeen. 3 askari.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in askar kale oo gurmad ahaan ugu baxday askarta dhaawacantay iyagana weerar gaadmo ah lagu qaaday, halkaasina uu ka dhacay dagaal xooggan.

Madaxa ciidamada booliska ee Gobolka Garissa, Abdirashid Abdullahi ayaa VOA u sheegay in hal askari uu dhintay 2 labada kalena uu ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay in 20 booliska Kenya ka tirsan ay dileen, balse booliska iyo saraakiisha Kenya ayaa beeniyay sheegashadaasi.

XS
SM
MD
LG