Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo 217 Qof ku Dishay Syria


ISIS area of operation
ISIS area of operation

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee dusha kala socota dagaallada dalka Syria ayaa sheegtay in ururka Daacish ay dil ku fuliyeen illaa 217 qof oo ay ku jiraan caruur.

Waxaana dilkani ka dhacay gobolka dhinaca bari ee dalka Syria ku yaalla ee Xums. Waxaana dilkani ka dambeeyey markii ay maleeshiyada Daacish gacanta ku dhigeen magaalada taariikhiga ah ee Palmyra.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in dadka ay laayeen ururka Daacish ay ku jireen kalkaaliyayaal caafimaad, haween, caruur iyo weliba askar ka tirsan kuwa dawladda Syria.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in xabsiga ay dhigeen illaa 600 oo qof oo kale.

Madaxa hay’addan xuquuqda aadanaha Rami Abdel Rahman ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Faransiiska in dadka la laayey qaarkood madaxa laga gooyey halka qaar kalena xabbad iyo mindi lagu dilay.

XS
SM
MD
LG