Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NEW YORK :3 Nin Oo Soomali Ah Oo Qirtay Alshabaab In Ay Taageereen


Raggan ayaa dhawaan la soo taagi doono maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada New-York.

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Mahdi Xaashi oo 25 jir ah, Cali Yaasiin Axmed oo 30 jir ah iyo Maxamed Yuusuf oo 32 jir ah, iyadoo laga soo qabtay xuduudka ay wadagaan dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya sanadkii 2012-kii, kaddibna gacanta loo soo geliyey mas’uuliyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti.

Xeer-ilaaliyayaasha ayaa raggan ku eedeeyey in ay xilligaasi doonayeen in ay u safraan gudaha Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Alshabaab si ay u fuliyaan falal argagixisnimo.

Raggan ayaa qirtay dambigood oo ah in ay taageereen ururka Alshabaab, iyadoo qiraalkoodu uu u sahli doono in laga cafiyo eedeymo kale oo loo haystay sida in ay haysteen hub sharci darro ah.

Raggan ayaa kowda bisha Juun ee soo socota la horkeeni doonaa maxkamadda Brookly ee magaalada New-York, iyadoo qiraalka dambigoodu ay ka dhigantahay in midkasta uu wajaho 15 sano oo xabsi ah, balse haddii guddiga xeer-beegtigu ku hesho dhammaan dambiyada lagu soo eedeyey wejihi doono mid 30 sano oo xabsi ah.

Waxaa la filayaa in go’aanka kama damabaysta ah raggan laga gaari doono bisha September ee sanadkan.

Inkastoo dhammaan dambiyada loo haysto ay ka dhaceen meel ka baxsan dalka Mareykanka, islamarkaasna uusan midkoodna ahayn muwaadin Mareykanka ah ama haysta deggaannansho ayay weli xeer-ilaaliyayaashu ku dooddayaan in raggan maxkamad lagu saaro gudaha Mareyakanka maadaama xilliga la soo qabtay ay xuduudka uga soo gudbeen in ay waxyeello gaarsiiyaan muwaadiniin Mareykanka ah.

Ururka Alshabaab ayaa horay u sheegay in uu weerarradi doono dadka Maryekanka ah islamarkaasna ku shukaamiyey dhallinyaro badan oo Mareykanka ah in ay ku soo biiraan ururka Alshabaab.

XS
SM
MD
LG