Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoonka Djibouti iyo Saldhiga Milateriga Maraykanka


Warbixin ayaa sheegaysa in diyaaradaha Maraykanka ee saldhigga milatari ee dalka Jabuuti ay halis ku sugan yihiin sababtoo ah feejignaan la’aan la sheegay inay sameeyeen shaqaalaha hagista diyaaradaha ee garoonkaasi.

Warbixinta oo ay daabacday jariidadda Washington Post, ayaa soo xiganaysa dokumentiyo milatariga ay qoreen iyo khubaro dhinaca duulista hawada ah, waxayna sheegtay in shaqaalaha hagista diyaaradaha ee saldhigga milatariga Camp Lemonnier ee Jabuuti inay iska dhegotirayeen hagista diyaaradaha iyaga oo dhinaca kale ku mashquulsan ciyaaraha fiidiyowga ee lagu madadaasho, telefoonno, hurdo ama qaarkood oo qayilaad ku jira.

Waxay sheegtay warbixintu in shaqaalaha hagista diyaaradaha ay iska dhegotireen dadaal ay sameeyeen la-taliyayaal oo ahaa inay shaqadooda wanaajiyaan.

Washington Post waxay sheegtay in xaaladdani ay abuurtay qaylo-dhaan ay sameeyaan duuliyayaasha marka ay hawada galaan iyo xataa inta aysan duulinba.

Mid ka mid ah shilalkaasi ayaa la sheegay in sannadkii 2013-ka diyaarad sidday madaxqeynaha Jabuuti ay ku sigatay inay ku dhacdo diyaarad ay leedahay shirkadda Kneya Airways.

Sarkaal u hadlay safaaradda Jabuuti ee Washington ayaa warbixintan ku gacansaydhay, isaga oo sheegay in garoonku yahay amni, waxana uu sheegay in haddii shaqaalaha haga diyaaradaha ay hurdaan ama qaad cunaan uu maalin walba shil dhici lahaa.

Warka Djibouti
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:18 0:00

XS
SM
MD
LG