Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Libya ku Dishay 30 Ethiopian ah


ISIS
ISIS

Muuqaal vidieo ah oo ay baahisay kooxda ISIS ayaa muujinaya dilka kooxo Ethiopiyan ah oo masiixiyiin ahoo ku sugan dalka Libya. Dadkan ayaa qaarkood qoorta laga gooyay, halka kuwa kalena rasaas lagu dilay.

Qaybta muuqaalka vidiyoga ah oo ay kooxdu ku saacisay internetka ayaa muujinaya in laba kooxood oo la haystayaal ah oo ay haystaan kooxo xiriirka la leh ISIS oo ku sugan qaybo kala duwan oo ku yaala dalka Libya.

Ilaa iyo hadda 90, 000 oo qof ayaa ka soo cararay guryahoodii ku yaalay degaanka Anbar ee ku yaala galbeedka dalka Ciraaq maadaama ay kooxda ISIS ay ku fidday agagaarka, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay maanta oo Axad ah.

QaramadaMidoobay ayaa sheegtay in dadku ay ka soo cararayaan caasimadda degaankaasi ee Ramadi iyo saddex degaan oo kale oo ku dhow.

Dhinaca kale, dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in aanay xaqiijin karin in dadkasi ay kooxdu dishay ay yihiin Ethiopian, hase ahaatee ay cambaareyneyso "dilkaasi waxashnimada ah."

XS
SM
MD
LG