Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU: Somaliland waa Inay Joojisaa Ciqaabta Dilka


EU logo
EU logo

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo Dalalka Xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga amaanka baddan ee Mandheera in badan ka dib markii ay iska daayeen fulinta maamulku.

Guud ahaan, falkani aan la filayni wuxuu dib u dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo hor jeedaa ciqaabta dilka waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo hor-jeedaan xabaalaha la qoday sagaal sanno ka dib markii la joojiyay dilalka ciqaabta ah waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaa masuuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ay u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horayso inay qaataan shuruuc ku haboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintani.

XS
SM
MD
LG