Jabahadda Xuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta qabsaday qeyb ka mid ah magaalada Ticis ee koonfurta dalka Yemen.
Dowladda Maraykanka ayaa la baxday ciidan ka joogay Yemen. Madaxweynaha Yemen oo ku sugan magaalada Cadan ayaa shalay beesha caalamka ugu baaqay inay soo farageliyaan Yemen, isagoo dhinaca kale eedeeyey dowladda Iran oo uu sheegay inay taageerto Xuthiyiinta.
Maanta Golaha Amniga ee QM ayaa kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Yemen.