Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaliya Iyo Qadar oo Heshiisyo Kala Saxiixday


Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta magaalada Doha ku kala saxiixday heshiisyo iskaasi oo dhinacyada Waxbarashada iyo Duulista Hawada quseeya.

Dowladda Somalia ayaa waxaa heshiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali., oo ka mid ah wafdi uu Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid hogaminayo oo booqasho ku tagay dalka Qadar.

Heshiiskan ayaa laga yaabaa inuu horseedo in dayuuradaha shirkadda Qadar Aiways inay duulimaadyo ka bilaabaan Somalia.

XS
SM
MD
LG