Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalada Hubka Nukliyeerka Iran


Switzerland US Iran
Switzerland US Iran

Wadahadalada ku saabsan Hubka Nukliyeerka Iran ayaa maalintii labaad ka sii socda dalka Switzerland kuwaas oo u dhexeeya Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Iran Mohammad Javad Zarif.

Labada dhinac ayaa shalay wada qaatay kulan socday ilaa shan saacadood iyaga oo isku deyayey inay isla meel dhigaan heshiis ay ku midaysan yihiin, kaas oo hubinaya in mashruuca Hubka Nukliyeerka Iran uu ku salaysan yahay hannaan nabad ah, taas bedelkeeda waxaa dalka Iran laga qaadayaa cuna-qabataynada dhinaca dhaqaalaha ee saaran dalkaas ee dhaawacay dhaqaalohooda.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay inaanay caddayn in labada dhinac ay weli isla gaadheen wax heshiis ah ka hor inta aan la gaadhi wakhtiga kama dambaysta ah oo ku eg dhammaadka bishan.

XS
SM
MD
LG