Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqo La’aanta Mareykanka oo Hoos u Dhacday


Heerka Shaqo la’aanta ee dalkan Mareykanka ayaa hoos u dhacay bishii February ee ina dhaaftay, iyadoo ay ku soo kordheen suuqyada shaqaalaha ilaa iyo 295 kun oo shaqo.

Warbixin Jimcihii shalay ka soo baxday wasaaradda shaqaalaha ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in heerka shaqa la’aanta uu hoos u dhacay 5.5 boqolkiiba.

Meelaha dadka ugu badan shaqaaleeyay ayaa ahaa baararka cunada , oo shaqaaleysiiyay ilaa iyo 59 kun oo qof iyadoo meheradaha kale ay shaqaaleysiiyeen 51 kun oo qof isku darkooda.

Iyadoo warbixintu ay muujineyso in suuqa shaqada uu sii ka sii xoog badaniyo si ka weyn sidii ay dhaqaalayahanadu saadaalinayeen, ayaa weli in ku dhow sagaal malyuun oo qof oo Mareykanka ku nool ay shaqo la’aanyihiin.

Tiradaasi ayaase marka la eego xogaa ka hooseeysa sidii xaalku ahaa bishii January , waxana ay 1.7 ka hooseysaa sidii heerka shaqadu uu ahaa sanad ka hor xilligan oo kale.

Waxaa dalkan ku nool in ku dhow todoba malyuun oo qof oo heysta shaooyin hal gelin ah oo doonaya inay shaqo buuxda helaan.

XS
SM
MD
LG