Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Shaqaale Muddo Dheer Afduubnaa oo la sii Daayey


Nicholas Kay
Nicholas Kay

Ergayga gaarka ah ee Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay sii deynta afar ka mida shaqaalaha Markabka FV Prantalay 12.

Shaqaalahan ayaa la sii daayay 25kii Bishan February, waxaana la afduubtay 18kii April 2010kii, waana mudadii ugu dheeraad ee ay burcad badeedda soomaliyeed afduub u haystaan shaqaale Markab.

Shaqaalahan afarta ah ee la siidaayay ayaa dhamaantood u dhashay dalka Thailand, waxaana kooxdii haystay ay ku wareejiyeen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug

Ergayga gaarka ah ee Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu ku faraxsanyahay la haystayaashii ugu mudada dheeraa oo la sii daayay.

Ergayaga Qaramada Midoobe ayaa dhinaca kale ku baaqay in la sii daayo la haystayaal kale oo tiradoodu ay tahay 26 qof oo saarnaa Markab kale oo lagu magacaabo FV NAHAM.

XS
SM
MD
LG