Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyey ee Weerarkii Muqdisho


Smoke and steam from fires extinguished with water, clouds the scene of a twin bombing attack on a hotel in the capital Mogadishu, Somalia, Feb. 20, 2015.
Smoke and steam from fires extinguished with water, clouds the scene of a twin bombing attack on a hotel in the capital Mogadishu, Somalia, Feb. 20, 2015.

Kulan degdeg ah oo ay yeesheen golaha Wasiirada ee Somalia isla markaana uu ka qayb galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagaga hadlay qaraxii ka dhacay Central Hotel, waxaana warsaxaafadeed kulankaas laga soo saaray lagu sheegay in falkaasi ahaa mid argagixiso.

Waxaana kulankaas la iskula qaatay in la dhiso guddi ka kooban Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kuwaas oo ka hawlgeli doona taakulaynta dadkii wax ku noqday, sidoo kale waxaa la dhisay guddi Amni oo ay hormuud u noqonayaan Wasiirka Amniga iyo wasiirka GAashaandhigga kuwaas oo baadhis ku samayn doona falkii argagixiso si loo qaado tallaabo ku habboon.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha, dadkii ku dhintay weerarkii shalay ayaa gaadhaya illa 25 qof halka dhaawacana lagu sheegay inay gaadhayaan illaa 40 qof, Cusbitaalka Madiina wuxuu ka mid yahay cusbitaallada sida weyn ula tacaalayey dhaawacyada iyo dhimashada uu sababay weerarkii shalay, Dr. MAxamed Yuusuf Agaasimaha Cusbitaalka Madiina ayaa VOA u sheegay in tirada dhimashada ee cusbitaalkooda la keenay ay gaadhayso illaa 19 qof halka tirada dhaawaca la keenay cusbitaalkoodana uu ku sheegay illaa 39 qof.

Dadka weerarkaan ku dhintay waxaa ka mid ahaa laba xildhibaan oo kala ahaa Maxamed Ducaale Xaaji iyo Cumar Cali Nuur “Furdug”, sidoo kale waxaa goobtaas ku geeriyooday Guddoomiye xigeenkii gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caano-geel, iyo Cabdishakuur Mire Aadan oo ahaa qoraa iyo siyaasi si weyn loo yaqaanay.

Dadka Qaraxii shalay ku dhaawacmay waxaa ku jiray Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo masuuliyiin kale, Afhayeenka Laamaha Amniga Qaasim Axmed Rooble ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan illaa 14 qof oo la baadhayo inay ku lug leeyihiin weerarkii shalay iyo inkale.

Madaxweynaha Somalia xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ugu horreeyey ee cambaareeyey weerarkii ka dhacay Central hotel xilli la tukanayey saladdii Jimcaha ee shalay, sidoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa cambaareeyey weerarkaas.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Somalia James McAnulty ayaa si weyn u cambaareeyey qaraxii ka dhacay Central Hotel, James McAnulty ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo asxaabtii, dadkii lagu dilay iyo kuwii lagu dhaawacay weerarkii shalay lagu qaaday Central Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana Wakiilku ballanqaaday in dawladda Maraykanku ay si dhow ugala shaqayn doonto madaxda Somalia, Ciidamada Xoogga dalka Somalia iyo weliba ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika sidii ay meesha uga saari lahaayeen kooxda Alshabaab.

Midawga Yurub oo isaguna Warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku cambaareeyey weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu bartilmaameedsaday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo xubno baarlamaanka ah, Waxaana Midawga Yurub uu weerarkaas ugu yeedheen inuu ahaa mid argagixiso, isla markaana looga dan lahaa in lagu carqaladeeyo horumarka iyo xasiloonida Somalia ku socoto. Waxaana midawga Yurub uu sheegay inaanay u ogolaanayn in kooxaha diiddan horumarku inay guulaystaan.

Midawga Yurub ayaa isagu ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan hay’adaha federaalka taas oo ay uga gol leeyihiin in la aasaaso deegaan nabdoon oo ammaan ah.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka mid ahayd dhinacyadii sida weyn u cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa warsaxaafadeed uu saaray si weyn ugu cambaareeyey weerarkaas, warsaxaafadeedka uu soo saaray Nicholas Kay ayuu ku sheegay in weerarkaas ay sheegteen masuuliyaddiisa ururka Alshabab.

Waxaana Warsaxaafadeedka Ergeyga gaarka ah lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso inay Somalia kala shaqayso inay ka midho dhaliyaan himiladooda iyo inay gaadhaan mustaqbal wada nabad iyo xasilooni.

Weerarka Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:48 0:00

XS
SM
MD
LG