Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Shirka Xagjirnimada ee Aqalka Cad


Magaalada-tan Washington waxaa shalay lagu soo gaba-gabeyay shir caalami ah oo lagaga hadlayay ka hortagga xag-jirnimada, kaasoo ka socday aqalka cad iyo wasaaradda arrimaha dibadda. Shiraasi waxaa ka qeybgalay bulshada Muslimtiinta Maraykanak oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

Madaxweynaha Maraykanka oo shrka ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanku uusan dagaal kula jirin Islaamka, balse uu dagaal kula jiro argagixiso si khaldan u isticmaallaya Islaamka.

Haddaba dareenka shirka ee bulshada Soomalida ah ayaan ku eegeynaa barnaamijka Faaqidaadda toddobaadka. Waxaa ka qayb galaya Kamaaluddiin Axmed Xasan (Kamaal Dacas) oo madax u ah urur u dooda xuquuqul insaanka oo ku yaala gobolka Minisota, iyo c/risaaq biixi oo agaasime ka ah urur u dooda arrimaha bulshada iyo adeegga dadweynaha oo labaduba ku sugan gobolka Minesota iyo Sheekh C/salaam Shariif Aaden Guddoomiyaha maamulk masaajidka daarul Hijra ee magaalada Minneaplis.

Barnaamijka oo dhan ka dhageyso lifaaqa hoos ka muuqda.

FAAQIDAADDA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:37:13 0:00

XS
SM
MD
LG