Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharmaarke: Joojinta Xawaaladuhu waa Halis weyn


Ra'iisul wasaare Sharmaarke
Ra'iisul wasaare Sharmaarke

Ra’iisul wasaaraha Somalia , Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay bangiga Marchents oo ah bangi ku yaalla gobolka California ee dalkan Maraykanka inuu ka noqdo go'aankii uu ku joojiyay adeegga xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska RW, ayaa lagu sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay noloshoodu ku xira tahay addeeggaasi oo ay lacago badan u soo marsiiyaan ehelladooda ku nool dibedda.

RW Sharmaarke ayaa sheegay in xukuumadda Somalia ay dareensan tahay wel-welka ay qabaan bangiyada ee ku aadan la dagaallanka dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah ee dhinaca lacagaha iyo argagixisada, balse go'aanka lagu joojiyay xawaaladuhu uu horseedi doono dhibaato kale oo bini'aadanimo oo Soomaaliya soo food saarta.

RW Sharmaarke ayaa sheegay inuu saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka arrintan kala hadlay, wuxuuna sheegay in joojinta xawaaladuhu ay halis weyn ku tahay nolosha iyo bad-qabta Soomaali fara badan, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in xal deg-deg ah loo helo.

Ra’isul wasaare Sharmaake ayaa sheegay in xawaaladuhu ay yihiin dariiq ay ku xirantahay nolosha inta badan Somalida, isla markaana qeyb ka qaata kobcinta dhaqaalaha dalalka soo koraya, sidaa daraadeedna aysan jirin cid ka doodi karta – ahmiyadda ay leeyihiin.

Sharmaarke wuxuu sheegay in dowladdiisu ay wax kasta oo karaankeeda ah sameyn doonto si arintan ay wax uga qabato oo loo helo nidaam sharci ah oo hufan oo u suurageliya malaayiinta qof ee Somaliyeed inay helaan meel loo soo marsiiyo biilasha dibadaha eheladooda ay uga soo diraan.

RW Sharmaarke wuxuu uu sheegay in xawaaladuhu aysan aheyn oo kaliya dariiqa nololeed ee dad badan, hase yeeshee ay sidoo kale yihiin –hanaan qeyb ka qaata istaageeridda eheladda Soomaliyeed ee dunida ku kala baahsan

XS
SM
MD
LG